Wasaaradda Maaliyadda XFS oo Golaha Shacabka ee BJFS u gudbisay Xisaab -xirka Dowladda ee sanadka 2022-ka

414

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xisaab -xirka Dowladda ee sanadka 2022 – ka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane. Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku wareejiyay Xisaab-xirka Miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka oo soo maray dhammaan hab-raacyadii sharciga ahaa.

Xisaab-xirkaan oo la soo saaray bishii Abriil, 2023-ka ayaa waxaa baaris Maaliyadeed ku sameeyay Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, iyada oo natiijada baaritaanka lala wadaagay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.