Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed ibraahim Oogle ayaa ka qeyb galay kulanka wadatashiga bulshada iyo maamulka gobolka Gedo oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraaleynta iyo Dib u hishiisiinta Jubbaland.
Isu imaatinkan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa isfahamka bulshada iyo Dowlada si loo helo amni, Xasilooni waarta, Wacyi Galinta ku aadan La dagaalanka Khawaarijta iyo horumarinta kaabayaasha adeegyada Dowlada.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, maamulka gobolka Gedo, kan degmada Doolow, qeybaha kala Duwan ee bulshada ku nool magaalada Doolow.