Golaha shacabka BJFS oo su’aalo weydiiyey wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka oo maanta golaha looga yeeray

427

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 3-aad kulankiisa 14-aad ee golaha shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa u yeeridda wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud iyo aqrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, warbixinta aqrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka iyo heshiiska dhismaha aagga ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud oo marka hore khudbad ka jeediyey fadhiga golaha ayaa xildhibaannada uga cudur daartay maqnaanshihii daraad islamarkaana raali gelin ka bixiyay maadama wasiirka loogu yeeray shirka amniga Qaranka, isagoo warbixin ka siiyay mudanayaasha hindise sharciyeedka uu hor keenay Golaha.

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka aqbalay raali gelinta wasiirka ayaa horay u galay ajandaha kulanka oo ahaa aqrinta 1-aad hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka, waxayna ka doodeen sidii laga yeeli lahaa sharcigaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigan la soo aqriyo isla-markaana xoghayaha guud faray in hindise sharciyeedkan uu ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.