War saxaafadeed kasoo baxay guddiga olombikada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gudoomiyaha xiriirka Ciyaaraha fudud ee Soomaaliya oo ku eedeysan musuqmaasuq la xiriira soo xulista ka qeybgalayaasha tartamada ciyaaraha fudud kiiskeeda la horgeyn doono guddiga fulinta ee Olombikada Soomaaliyeed.
Arintan ayaa waxaa ay hadal hayn fara badan ka dhalisay baraha bulshada ay dadka ku xiriiraan kadib markii la arkay gabadh aan udiyaar saneen habka ciyaartoy orod ka qayb gali kara waxaana dadku ay ku sifeeyeen inay tani tahay musuq maasuq.
Guddiga oo tixraacaya soo jeedinta ka timid wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda FS ayaa Marwo Khadiija ku sameeyey shaqo joojin ku meel gaar ah.