
Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa warbixin ku saabsan hannaanka shaqo ee guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo howlaha hortabinta u leh guddiga ka dhageystay guddoomiyaha guddiga Mudane Burhaan Aadan Cumar iyadoo guddigu maanta yeeshay kulan looga hadlayey dib u eegista qodobada Dastuurka KMG ah .
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Guddiga ku bogaadiyay shaqada culus ee ay bulshada u hayaan, isagoo kula dardaarmay ineey laba jibaaraan shaqada Qaranka.




