Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland oo dhagax-dhigay mashruuc biyo gelin ah

504
Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmad Xuseen Barki (Zubeyr) oo ay wehliyaan isuduwaha Wasaaradda ee gobolka Gedo, Saciid Abuukar Sayid iyo isuduwaha degmada Doolow,
Maxamed Cabdullaahi Kuusow ayaa deegaanka Geedweyne si wadajir ah uga dhagax-dhigeen mashruuc biyo gelin iyo Ceelbiyood oo looga faa’ideyn doona iskuulka Geedweyne iyo bulshada deegaanka,
Dhagax-dhigga mashruucan waxaa goobjoog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamnka JFS, xubno katirsan Golaha Wasiirada Jubaland maamulka gobolka Gedo, kan degmada Doolow iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Geedweyne,
Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland iyo Wasiirka Tamarta iyo Kayraadka Biyaha Jubbaland ayaa balan qaaday in si deg-deg ah loo fulin doona biya galinta iskuulka iyo deegaanka Geedwayne oo ay mashruucan fulinayso Dowladda Jubbalnad.