Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay Weerarkii Kulliyda Jaalle Siyaad

526

Wasiirka gaashaanhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay, in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhawaan ka dhacay xerada Jaalle Siyaad ay dowladdu saraakiil badan u xirtay.

Wasiirka gaashaandhigga oo hortagay baarlamaanka, ayaa sheegay in baaritaanno ay ku socdaan saraakiil badan oo loo xiray masuuliyadda weerarkan, iyo kuwa kale oo uu sheegay inay ku socdaan su’aalo weydiin.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa  beeniyay in dowladda Federaalka  ay diiday  in la ogaado xogta weerarka, isagoo ballanqaaday in marka uu dhamaado baarista la wado ay Dowladda si rasmi u shaacin doonto macluumaadkiisa iyo cidda ku lugta lahayd.

Sidoo kale’ Wasiirka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ciddii weerarkaas ku lug lahayd ay Dowladda gacanta kusoo dhigto, isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa dhacdo xanuun badan ku reebtay Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheehaya in Saraakiil  Isugu  jirta Boolis iyo milatari ayaa loo soo xiray inay ku lug leeyihiin weerarkan.

Dhaeaa ayay ahayd markii xerada Kuliyada  Jaalle Siyaad uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo katirsan guutada 14 actobar kaas oo geystay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhwaac.