Dhageyso:Wasiir ku xigeenka gargaarka maaraynta iyo masiibooyinka Jubbaland ” Waxaan ku howlannahay xal uhelida fatahaadaha ka dhasha is badalka cimilada “

494

Xili dunida laga cabsi qabo is badalka cimilada ayaa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland magaalada Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa khataraha ka dhasha fataahada iyo isbadelka cimilada .

Madasha shirka waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaha, wasiirka ku xigeenka wasaaradda maaraynta masiibooyinka Jubbaland mudaneĀ  Maxamed cusmaan iyo hay’daha UN-ka ee uu arinkan la gorfeenayo quseeyo .

Wasiir ku xigeenka gargaarka maaraynta iyo masiibooyinka Jubbaland mudane Maxamed Cusmaan oo shirka daaha ka rogay ayaa faahfaahiyay ujeedka shirka isaga oo markaa sheegay in wasaaraddu ku howlan tahay xal uhelida fatahaadaha oo ay sababaan isbadka cilimalada .