Kullan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Luuq ee Gobalka Gedo

533
Kulan looga hadlayay Amniga degmada Luuq ee gobolka Gedo oo uu ka qayb galay Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka Gedo ayaa lagu qabtay degmada Luuq.
Kulankaan oo uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maakulka gobolka Gedo islamarkaana ahaa mid looga hadlayay adkaynta amniga degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka degmada Saraakiisha laamaha amniga degmada Xildhibaano katirsan Golaha Wakiilada Jubbaland iyo masuuliyiin kale waxaana ugu horayn kulanka daah furay Gudoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimu oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay Saraaakiisha laamaha amniga degmada iyo Maamulka degmada inay kawada shaqeeyaan xaqiijinta amniga guud ee Gobolka gaar ahaana kan degmada Luuq.