Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.
Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.