Maamulka cusub ee Gobalka Gedo oo kullan la qaatay masuuliyiinta Baardheere

564
Maxamed Xuseen Isaaq (Qaadi) G/Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka Gedo ayaa gudoomiyay kulan ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo kaas oo looga hadlayay dar-dargalinta iyo xoojinta howlaha shaqo ee Hay’adaha kala duwan ee Dowladda ee ka howlgala degmada iyo sidii gacan buuxda loo siin lahaa maamulka cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Jubbaland u magacaabay gobolka Gedo.
Kulankan waxaa ka qeyb galay dhamaan saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada ka howlgalada degmada Baardheere sida Nabadsugidda, Milatariga, iyo Booliiska waxaana lagala hadlay sidii ay wadashayn xoogan u dhaxmari lahayd iyaga iyo hogaanka maamulka gobolka Gedo oo hadda howlo shaqo oo muhiim ah ka wada gobolka.