Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiiru Dawladaha Ganacsiga Ethiopia Kassahum Gofe Balami, iyagoo ka wada xaajooday xoojinta xiriirka ganacsi ee laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo ka hor taga ganacsiga sharci darrada ah.
Dhanka kale, Safiir Warfaa ayaa kulan kale oo muhiim ah la qaatay safiirka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Midowga Africa iyo UNECA Dr. Walid Hamed Shiltagh, iyagoo ka wada hadlay in labada dhinac ay iskaashi ka yeeshaan arrimaha dhaqaalaha iyo maamul wanaaga, waxaana Ambassador Walid uu ballan qaaday inay Soomaaliya ku garab istaagayaan hanashada kursiga Golaha UNSC ee ay Soomaaliya u tartami doonto.
All reactions:
31