Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud sayid Aadan ayaa tababar usoo xirey qaar kamid ah ciidamo ka tirsan xooga dalka gaar ahaan qaybta Jubbaland munaasbada xiritaanka tababarkan waxaa Madaxweynaha hareera joogay wasiirka amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Xusseen Cusmaan Dhuumaal taliyaha ururka 5-aad guutada 16_aad xooga dalka ee Danab Gaandhaanle Carab dheeg Axmed iyo Saraashiikii tababarka bixisay .
Tababarkan ayaa socdey mudo laba bilood ah waxaana bixinyay Atmis iyada oo ciidanka lagu barayay caafimaadka gaar ahaan habka dhaawaca loola tacaalo xiliyada dagaalada maadaama dalka uu gali rabo wajiga labaad ee dagaal Argagixisada looga xoreynayo dalka Jubbaland-na ay kamid tahay maamul gobaleedyada hormuudka u ah dagaalkaasi
Wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Yuusuf Xusseen Cusmaan Dhuumaal ayaa Saraakiishii bixinaysay tababar oga mahad celiyay aqoontii ay ugudbiyeen ciidamada soomaaliyeed waxaa uu wasiirka si gaara ooga mahad celiyay garab istaaga had iyo jeer ay howlgalka Atmis la hareera joogaan somaaliya gaar ahaan ciidamada Kenya ee Jubbaland jooga .
Maxamuud sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland ayaa dhankiisa ciidamada tababarka loosoo xiray kula dardaarmay in aqoontii la baray ay si daacada oogu adeegaan Bulshada soomaaliyeed.
Tababarkan ayaa kusoo aadaya xili Jubbaland ay diyaar garow adag oogu jirto wajiga labaad ee dagaalka Argagixisada dalka looga xoreynayo.