Dhageyso:Ciidanka Booliska Degmada Luuq oo Dagaal adag kula jira Maandooriyaha

658

Taliyaha saldhiga Booliiska degmada Luuq Cabdullaahi xusseen oo shir jaraaid qabtay ayaa  kaga hadlay shirkaasi waxyaabaha maanka dooriya iyo dhibaatada uu ku hayo bulshada gaar ahaan dhalinyarada dhinaca kale waxaa uu ka hadlay howlgalo ay ciidanku Boliiska degmada Luuq ay sameenayeen maalmihii ugu danbeeyay kaasi oo ay ku cirib tirayeen maan dooriyaha aafada ku haya bulshada degmada .

Waxaa uu taliyaha sheegay in sharciga la horgayn doono dadka gudaha degmada soo galiya maandooriyaha sida Qamriga Iyo Xashiishka waxaa uuna xusey inay jiraan gaadiid si dhuumaalaysi ah maandooriyaha usoo galiya D.Luuq gawaaridaasi ayuu sheegay in marka laamaha amaanka gacanta ku dhigaan ay si toosa ula wareegi doonaan sharcigana lala tiigsan doono .

Taliyaha saldhiga Booliiska degmada Luuq Cabdullaahi xusseen ayaa waxaa uu shacabka Degmada Luuq ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka soona sheegaan goobaha sida qarsoodiga ah loogu iibsiyo maan dooriyaha si loo helo bulsho nabad qabta.