Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horeysay taniyo markii uu bilowday khilaafka Jubbaland iyo Gobalka waxaa uu sheegay inuu tagi doono gobalka Gedo si xal waara looga gaaro khilaafka daba dheeraadey ee taagan
Waxaa uu sheegay madaxweynuhu in arinta gobal Gedo ay muhiim utahay Jubbaland gaar ahaan xalkeeda Gadana ay Jubbaland tahay waxaa uu sheegay inaysan doonayn in qof lagu xad gudbo siyaasiyan ,dhaqan iyo shacbiyanba .
Waxaa uu dhinaca kale sheegay in wixii tagay ay tageen waxyaabo badan oo ay siyaasadu keentayna ay jiraan balse taasi aysan ka dhigneen kala tag dadkuna ay walaalo wada dhashay ay yihiin waxaa uu cadeeyay madaxweynuhu in uu tagi doono gabalka sidookale wasiiro ,madaxweyne ku xigeenada ,iyo dhamaan masuuliyiintaba ay tagi doonaan.
Munaasabada ciida awgeed ayuu ugu baaqay dadku inay is cafiyaan oo ay kadheeraadaan kala fagaashaha .