WASAARADDA AMNIGA IYO CIIDAMADA AMMAANKA OO KA SHIRAY SIDII LOO ADKEYN LAHAA AMNIGA IYO XASILOONIDA CAASIMADDA.

545
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JFS, Mudane Maxamed Shiikh Cali Doodishe, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Mudane Yuusuf Cali, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Col. Macalin Mahadi iyo Saraakiisha Howlgalka Ciiltire, ayaa kulan oo looga arinsanayo sugida Amniga iyo xasiloonidda caasimadda iyo nawaaxigeeda ku yeeshay xarunta wasaaradda amniga hudaga JFS.
Inta uu kulanka socday ayaa laga xog wareystay saraakiisha hoggaaminaysa Howlgalka Ciiltire sidii loo adkeen lahaa ammaanka caasimadda, inta lagu guda jiro maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xorriyadda.