
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdooyinka ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Dowlada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada puntland inay u istaagan sidii miiska wada hadalka loogu dhamayn lahaa kala aragti duwananshaha sababay gacan ka hadalka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







