Gobolka Hiiraan oo Guddoomiye cusub loo magacaabay

401

Warqad Dekreeto ah oo kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Xil ka qaadista ayaa lagu sheegay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Guddoomiyaha Xilka laga qaaaday  ee gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan , ayaa Muddooyinkii dambe waxaa uu  horkacaayay ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa dib u xoreynta ee gobolka Hiiraan kuwaas oo daagaal kula jiray Alshabaab .