Maxkamada darajada 1aad ee Degmada Kismaayo oo war cusub kasoo saartay edaysane hooyadii ku gowracay Kismaayo

648

Maalinimadii shalay ayeey eheed markii uu hooyadiis qudha uga jaray mindi weliba si arxan daran ah taasi oo sabab u noqotay geerideeda

Xasan Cabdullaahi cabdi oo ah eedeysaha hooyadiisa dilay isla markaasina ay gacanta ku hayaan ciidankaBooliska gobolkaJubbada hoose ayaa waxaa saaka la hor geeyay ugu horeyn Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Dowlad goboleedka Jubbaland Sida sharciga waafaqsan eedeysanaha ayaa intaasi kadib waxa uu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud maxbuuska horgeeyay Maxkamada Awooda uleh qaadista Garmaqalka Edeysanaha

Intaasi kadib markii ay maxkamadu dhageysatay dacwada eedeysaha loo heysto waxa ay soo saartay inta baarista kiiska laga soo dhameenayo warqad xabsi ku heyn ah oo mudo 7 cesho ah

Sida ku xusan warqada ay soo saartay maxkamada qiraalka eedeysanaha ayaa ah in uu si bareer ah u dilay hooyadiis isagoo caafimaad qaba
Waxaana la filayaa in mudo 7cesho ah kadib sharciga la horkeeni doono xasan Cabdullaahi cabdi oo ku eedeysan dilka hooyadiis.