Gargaar la gaarsiiyay dadka ay saamesay abaartii ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland

555
Wasiirka Wasaadda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Jubbaland Axmed Xasan Cumar, Wasiir ku-xigeenka Wsaaradda Maxamed Cismaan Jaamac, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehelinayaan Agaasime ku-xigeenka Ergayga Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya Cabdulahi Cali Geelle, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacyaasha iyo Qaxootiga Jubbaland Cali Aadan Cali, Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Kismaayo Najiib Barre Salaad iyo masuuliyiin kale ayaa deeq raashiin ah gaarsiiyay dadka ay saamesay abaartii ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland ee ku soo barakacay deegaanka Istanbuul ee waqoyiga magaalada Kismaayo.
Deeqdan oo isugu jirtay qeybaha kala duwan ee cunooyinka, 250 Teendho, Bustayaasha dhaxanta laga dugsado, Nalal ku shaqeeya tamarta cadceedda iyo macuun ayaa waxay ka timid Hay’adda Boqor Salmaan ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana loogu deeqay dadka barakacayasha ah ee ku sugan deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo.