Wafti uu hogaaminaayo madaxwayne kuxigeenka Jubbaland oo maanta Kismaayo soo gaadhay

488

Wafti uu hogaaminaayo Madaxwayne kuxigeenka kobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ay qayb ka yihiin wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee Soomaaliya Maxamuud Cabdirahmaan Sheikh faarah( Beene Beene) ayaa soo gaadhay magaalada Kismaayo.

Waftiga ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Wasiirdowlaha Xafiiska R’salwasaaraha Soomaaliya Xirsi Jaamac Gaani.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa waftiga Madaxwayne kuxigeenka ku soo dhaweeyey xubno ka mida Golaha wasiiradda Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu magaalada Muqdisho ee caasimada dalka u joogay arimo shaqo.