Golaha Wakiilada Jubbaland oo maalmahan waday la xisaabtanka Golaha Wasiirada Jubbaland si ay wax uga weydiiyaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay hayaan ayaa waxaa manta hortagay Sii hayaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Jubbaland mudane Maxamed Deeqoow Xuseen kaasi oo ka jawaabay su’aalo badan oo laga weydiiyay Wasaaradda uu joogo waxyaabaha u qabsoomay.
Sii hayaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Jubbaland mudane Maxamed Deeqoow Xuseen ayaa Golaha Wakiilada Jubbaland hortooda ka sheegay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda qorshayaasha u degsan nidaamka shaqo ee Wasaaradda iyo arimo kale oo muhiim ah.
Qaar kamida mudanayaasha Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa Wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira habsami usocodka shaqada Wasaaradda, Shidaalka, Keydka Shidaalka ee magaalada, iska agdhawaanshaha goobaha maqaaxiyaha iyo goobaha shidaalka lagu iibiyo iyo kuwo kale ayaa la weydiiyay.
Sii hayaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Jubbaland mudane Maxamed Deeqoow Xuseen ayaa gaba-gabadii ka jawaabay su’aalihii la weydiiyay.