Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Xamse”  waxaan balan qaadayaa inaanan xoola ku bixinayn aniga i aam hebelna caay”

487

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay Faafinta wararka been abuurka ah ayaa sheegay in siyaasiyiinta mararka qaar ay qayb ka yihiin mushkiladaha wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo bulshada dhexdeeda

Sidookalana ay jiraan siyaasiyihiin xoola ku bixiya aniga i maan hebelna caay halka sidookale ay jiraan buu yiri siyaasiyiin kale oo iyaguna  ka baqa in laga baahiyo warar been abuur ah kadibna lacag ku bixiya si aanan looga faafin wararkaasi

Siyaasiyiintaasi ayuu sheegay raiisul wasaare Xamse inay dhiiri galiyeen mushkiladii ugu wayneed sidookalana arintanni ay khatar weyn ku tahay  Amniga Qaranka, Nabadgeliyada iyo Wadajirka ummada ,dowladduna  ay qaadi doonto tallaabooyin looga hortagaayo wararkaasi raiisul wasaare Xamse ayaa fagaaraha ka sheegay inuu balan qaadayo inuusan isaga xoola ku bixinayn in la amaano ama qofkale warar been abuura laga sheego.