Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Jubbaland oo dhagax dhigay dugsi lagu baran doono farsamada gacanta.

637
Mas’uuliyiin uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Cabdinasir Seeraar Maax, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Axmed Naaji Xaaji Cabdullaahi, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Kismaayo ahna Xoghayaha Dowlada Hoose Daahir Xuseen Cabdi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Wali Sheekh Cali ayaa Maanta Si wadajir ah u dhagax dhigay dugsi Cusub oo lagu baranayo Farsamada Gacanta ayna hirgalinayso Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.
Dugsiga Maanta la dhagax dhigay ayaa lagu Baran doonaa Farsamada Gacanta ayna ka Faa’iideysanayaan dhalinyarada Degmada Kismaayo.
Waa markii oogu horeysay oo magaalada kismaayo laga hergaliyo dugsi lagu baran doono farsamada gacanta oo ay dowladu leedahay taniyo burburkii dowladii kacaanka .