Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab oo Kismaayo tababar oga furmay

460

Ciidamada ATMIS iyo Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa tababar soconaayo muddo todobaad ah oo ku saabsan sida loo howlgaliyo madaafiicda uga furmay xerada garoonka cusub ee diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Tababarkan oo ay soo agaasintay ATMIS ayaa abuurayo madal ay labada ciidan isku weydaarsanayaan aqoonta iyo xirfadda ku aaddan hawlgallada madaafiicda.

Tababarkan aya wuxuu ka koobanyahay dhinacyo kala duwan sida shiiska, cabirka masaafada, qaabka loo rido madaafiicda iyo habraacyada badqabka.

Tababarka ayaa qayb ka ah waajibaadka ATMIS ee ah in ay awood-dhisaan Ciidamada Amaanka ee Soomaaliya, dhanka isticmaalka madaafiicda si ay ufuliyaan hawlgalo guuleysta.