Kalfadhiga 4-aad fadhigiisa 17-aad oo ay maanta yeesheen Baarlamaanka Jubbland ayaa waxa goob joog ahaa guddòonka Baarlaamaanka Jubbaland waxaana soo xaadiray fadhiga 40 mudane
Baarlamaanku waxaa ay fadhigoodu kaga doodeen wax ka badalka qiimaha korontada iyo biyaha kuwaasi oo qiimahooda cabasho ka muujiyeen bulshada deegaanada Jubbaland
Xubnaha Golaha Barlamaanka Jubbaland ee Kullanka Joogay ayaa wasiirka biyaha iyo tamarta Jubbaland wax ka waydiiyey Adeegyada ay bixiyaan shirkadaha biyaha iyo Korontada ee ka shaqeeya deegaanada Jubbaland oo mudooyinkii danbe uu kordhay qiimaha adeegyada ay bixiyaan taas oo ay bulshada ka muujiyeen cabasho.
Wasiir Axmed Xusseen Baraki wasiirka biyaha iyo tamarta Jubbaland ayaa ka jawaabay dhamaan su’aallaha ay waydiiyeen xubnaha barlamaanka Jubbaland ee maanta kullanka joogay.