Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay maalinka Iskufuranka aduunka.

754

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabad lagu xusayay maalinka Iskufuranka aduunka munaasabadan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga gon’ lahaa sidii looga wacyi galin lahaa bulshada ciribtirka xanuunkan oo inta badan dhibaatooyin caafimaad kala kulmaan haweenka

Dunida xogta la hayo xanuunkan waxa qaba haween lagu qiyaaso 2 milyan, halka sanadkii ay qaadaan haween lagu qiyaasay 50,000 ilaa 100,000.bukaanka ugu badan ee yeeshaa xanuunka iskufuranka (obstetric fistula) waa qaar fiqiira ah iyo qaar nafaqo daro hayso Xanuunka isku-furanku waa xanuun laga hortegi karo isla markaana la dawayn karo sida ay qabaan dhaqaatiirta

munaasabadan waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Jubbaland Dr: Axmed Maxamed Gudoomiyaha arimaha bulshada Baarlamaanka Jubbaland odoyaal dhaqameed iyo qaar kamida ah haweenka hadaba wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Jubbaland Dr: Axmed Maxamed ayaa ka caafimaad ahaan sharaxaad ka bixiyay xanuunkan iyo waxa uu yahay .