Dalal mamnuucaya app-yada la isku qurxiyo

493

Tiknolojiyadda casriga ah ee lagu baddalo sawirrada ayaa in mudda ahba waxay sababtay walaac, balse maaddaama ay imika tiknolojiyaddan xitaa gaartay baddalidda muuqaallada, ma tahay in dowladaha soo faragaliyaan?

Krystle Berger ayaa sheegtay in aysan baddalayn hab muuqaalkeeda marka ay “Sawirrada iyo muuqaallada galinayso baraha Instagram, TikTok iyo Facebook. “Xaqiiqdii qaab casri ah ayaan u sameeyaa aniga oo marsan make-up iskuna furay waxyaabo iftiimaya,” ayay tiri.

Ms Berger oo ah hooyo da’yar oo ku nool gobolka Indiana ee dalka Mareykanka ayaa waxay soo dajisatay app lagu magacaabo FaceTune oo in ka badan 200 oo milyan oo qof ay soo dajisteen guud ahaan caalamka.

App-kan ayaa dadka isticmaala waxaa uu fursad u siinayaa inay qaabka uu wajigooda u egyahay ay wax ka baddalaan, sida in finanka uu ka baabi’iyo amaba gabi ahanba ay baddalaan qaabka ay u egyihiin.

Tusaale ahaan waxaa ay wajigooda ka dhigi karaan mid dhuuban , waxay baddali karaan baaxadda indhahooda iyo qaabka ay u egyihiin amaba sanka oo ay isbaddal ku sameyn karaan.

App-kan oo markii hore lagu baddali jiray oo kali ah sawirrada ayaa waxaa ay shirkadda FaceTune ay dhawaan xarigga ka jartay nooc kale oo lagu baddalo muuqaallada kaasi oo ilaa iyo imika noqday mid si wayn loo isticmaalo oo taabba galay.

Dhanka kale app-ka kale ee caanka ah ee photos – Perfect365 ee aadka caanka uga ah baraha bulshada ayaa lagu wadaa in ay dhawaan xarigga ka jaraan nooc kale oo lagu baddalo muuqaallada.

FaceTune ayaa waxaa iska leh shirkad laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo Lightricks’ waxaa labo sano ka hor shirkaddan uu qiimaheedu ahaa $1.8 bilyan.

Aasaasaha shirkadda Lightricks’ Zeev Farbman ayaa sheegay “magaca ciyaarta” ayaa ka dhigay app-kan in loo isticmaalo si sahlan. “waxaa dadka aad siinaysaa awoodda 80% halka 20% uu yahay software si xirfadeysan loo sameeyay.

Balse waxaa muddo dheer lagu doodayay in qalabkan cusub uusan wanaagsanayn islamarkana uu horumarinayo muuqaal aan xaqiiqo ahayn ayna taasi ka iman karto halis gaar ahaan carruurta iyo da’yarta.

Tusaale ahaan, 80% gabdhaha da’yarta ah ayaa waxay sheegeen in ay wax ka baddaleen qaabka ay u egyihiin sawirrada ay soo dhigaan baraha bulshada markii ay da’dooda ahayd 13 jir, sida lagu sheegay daraasad ay 2021 soo saartay shirkadda Dove.

In kasta oo aanay jirin cid ku baaqaysa in tiknolajiyadda la mamnuuco, haddana waxaa isa soo tarayay tallaabooyinka loogu qasbayo shirkadaha xayaysiinnada warbaahinta baraha bulshada iyo dadka saamaynta ku leh – iyo waliba dadka inta badan lacag lagu siiyo xayiisiinada badeecadaha inay qirtaan marka ay wax xayiisiinayaan inay beddelaan muuqaalkooda.

Norway ayaa sanadkii 2021 waxay soo saartay sharci dhigaya in labadan shirkaddooda ee baraha bulshada ay muujiyaan in sawirada la baddalay ama la been abuuray. Faransiisku ayaa dhankooda imika dajinaya shuruuc lagu xakameynayo farsamooyinka tikoolajiyadda ee sawirrada iyo muuqaallada lagu baddalo.

Dhanka kale, UK ayaa hadda eegaysa isla arrintan, iyadoo sharciga Badbaadada Online-ka ee dowladda baarlamaanka la geeyay. Si kastaba ha ahaatee, waa la arki doonaa in sharcigan bartilmaameedsan doono oo kaliya xayeysiisyada warbaahinta bulshada, ama sidoo kale dadka caanka ah ee wax xayiisiiya.

Afhayeen u hadlay waaxda seyniska iyo curinta yiknoolajiyada ayaa yiri: “dowaladda waxay ogtahay khatarta ka iman karta waxyaabaha laga badbadiyay islamarana ay arrintan si dhab ah u qaadanayso .”

Luke Evans oo ka tirsan xisbiga Conservative ayaa muddo dheer u ololeynayay in dadka wax xayiisiiya ee caanka ah ay qirtaan inay wax ka badaleen sawirada waxyaabaha ay ku xayiisiinayaan.

Sean Mao, madaxa shirkadda fadhigeedu yahay San Francisco-ee Perfect365, ayaa dadka ugu baaqay in app-kooda “ay si badqab ah u adeegsadaan”. Waxaa uu intaa ku daray: “waxaan ku dhiirigalinaynaa in app-ka ay u isticmaalaan iyaga oo soo bandhigaya halabuurkoda oo aysan u isticmaalin qaab kale sida in ay dad ku khiyaameeyaan.”

Stuart Duff, oo ah khabiir dhanka Cilmi-nafsiga ah oo ka howlgala UK ee Pearn Kandola, ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada ay had iyo jeer isku dayi doonaan inay isticmaalaan hab khiyaamo ah si ay u hagaajiyaan muuqaalkooda internetka – sababtoo ah waxa iibiya muuqaalka wanaagsan.

“Soo jiidashada jirku waxay leedahay saameyn aad u xooggan laakiin inta badan waxay galaagal ku yeelataa go’aannadayada marka ay timaaddo iibsashada alaabta iyo adeegyada kale,” ayuu yiri.

Mid ka mid dadka caanka ka ah baraha bulshada oo ku soo gala magaca Brandon B ayaa waxaa ku xiran bartiisa Youtube-ka 5.6 milyan oo qof . waxaa uu rumeysan yahay in app-ka lagu badalo sawirada iyo muuqaalada ay tahay in loo arko wax wanaagsan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay app-kan ay jiraan, sababtoo ah waxaa jira dad badan oo jirkooda uusan ku filnayn inay ku soo bandhigaan baraha bulshada waxayna dadkaasi dareemi lahayeen in laga tagay, waxaa uu qalabkan ka saaciday inay baraha bulshada soo galaan”, ayuu yiri.

Hasa yeeshee, Dr Shira Brown, oo ah dhakhtar ka howlgasha South Niagara Hospital, ee gobolka Ontario, ee dalka Canada, ayaa sheegtay “in fikirka qaldan ee laga qaatay muuqaalka jirka” uu yahay mid ku badan hab dhaqanka baraha bulshada “.

Waxay intaa ku dartay: “Waxaan la kulanaa maalin kasta cawaaqib dhanka maskaxda ah sida isku buuq, in qofka uu ku fikiro inuu isdilo iyo niyad jab .”