MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud: “Amni darro ayaan u cabaadeynaa, amniga aan qabano Dadka laguma karo”.

479

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka adag ee Dowladdiisa kula jirto Musuqa, Amni darrada, Caddaalad darrada, Doorashooyinka iyo xaaladda guud ee Siyaasadda.

Waxa uu ku baaqay in Dowladda loo daayo dadka sameeya Musuqa maadaama loo gudbinayo Maxkamad haddii qofkaas lagu caddeeyo in uu wax isdaba-marin sameeyay lagu ciqaabayo haddiise lagu waayo la siinayo warqad muujineysa in uu ilaaliyay ammaanada loo dhiibtay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay ka warsugaan kiisaska kala duwan ee Dadka loo xiro illaa inta go’aan Maxkamadeed kasoo baxayo si ay u arkaan qof weliba dambiga uu galay.

“Dowladdu waxa ay qaadday tallaabooyin waaweyn oo ay kula dagaalameyso Musuqa kuwo kale oo waaweyn way soo wataa, Shacabka haddii aan Dowladdu ku garab istaagin ma guuleysanayaan Mashaariicdaas, (ilu il ma ilaaliso), Dadka Dowladdu u shaqeeya ama howlaha u haya waa in yar oo Shacabka ayaa ka badan, soo qabta ninka musuqa ka shaqeynaya la idinma lahanee ee hasoo dabakicina, waala baarayaa haddii lagu waayo Shahaado ayaa la siinayaa oo lagu marqaati kacayo in uu aamin yahay” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Mar uu ka hadlay Amniga iyo cabashada dadka ay ka muujinayaan xasilooni darrada waxa uu Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud tilmaamay in qofkii dambi gala loo gudbinayo Maxkamad balse dad badan ay isku dayayaan in ay farageliyaan.

“Amni Darro ayaan u cabaadeynaa, Amniga aan qabano Dadka laguma karo, Amni waa maxay? Ninka khaladka sameeyay in la qabto, oo Ninka ma cuneynaa? Dowlad ayaan nahay oo Sida Shabaab dadka iskama dilno, kii Dadka dilay ayaa qaarkood maxkamad geynay oo dil lagu xukumay oo la dilay, Dowladda dadka u shaqeeya in ay qalad galaan Raalli kama nihin sharciguna raalli kama ahan Laakiin kan waxsan sameeya in la yiraahdo reer hebel ayaad ugu dan leedahay raalli kama nihin” ayuu yiri MW JFS.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka jira halka uu markale uu u digay Wasiirada, Xildhibaannada, Odoyaasha & cid weliba oo daba-joogta qof la xiray si loo maxkamadeeyo.