Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda Magaalada Kampala si uu uga qeyb galo shir madaxeedka ATMIS

479

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinka dambe ee maanta lagu wadaa in uu u ambabaxo magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Kampala uga qeyb galaya shirka ATMIS, kaas oo ay ka qeyb galayaan wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Kulanka ka dhacaya Kampala ayaa Madaxda waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka ATMIS iyo In dib loo eego qorshaha dhimista ATMIS iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo baxay 2022-ka.

Wakiilo iyo madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeyb galaan munaasabadan, iyada uu shirkaan marti galinaya Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Sida qorshuhu yahay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo la filayo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee Dalka.