Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo arrimaha rayidka Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay qorshe ay la damacsan tahay Maleeshiyaadka Al-shabaab guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Maxamed Cabdi Waare ayaa war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Al-shabaab ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xilka looga xayuubi guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu xusay iney ku bixineyso kooxda lacag Malaayiin doolar ah.
“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle ayaa sidoo kale Tilmaamay in xilka qaadista guddoomiye Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Maleeshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka oo uu hormuud u ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Alshabab ” ayuu yiri Waare.
Warka ka soo baxay Ergayga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasilinta iyo arimaha rayidka ayaa kusoo aadaya iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay guddoomiye Jeyte iyo madaxda Hirshabeelle, kaasoo salka ku haayo Canshuurta gobolka Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle ee magaalada