Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo looga hadlayay Amniga Caasimadda.
Kulankam ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Saraakiisha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Shirkan oo ka dhacay xarunta qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed islamarkaana ujeedkiisu ahaa isla-xisaabtan iyo isxogwareysi ayaa diirada lagu saaray dardargalinta sugida Amniga Caasimadda, gaar ahaan xoojinta wada shaqeynta Boliiska iyo Maamulada Degmooyinka, ka hortaga weerarada Al-Shabaab, la dagaalanka kooxaha burcadka iyo Ciyaal Weerada, iyo ciribtirka Maandooriyaha.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad-gelyada.