Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland oo maanta magaalada Kismaayo ka daahfuray shirka wadatashiga ballaarinta Idaacadaha Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

459

Shirka wadatashiga ballaarinta Idaacadaha Dowlad Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno ka socda maamul gobolleedyada dalka.