Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga ladagaallanka Argagixisada oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka.
Sharcigan ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku oggolaatay 29 Sanatar.
Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan ansixiyay hindise sharciyeedkan la dagaallanka Argagixsada, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.