Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland oo maanta ka qeyb galay shir looga hadlayo wejiga labaad ee Barnaamij Wadaaga Caddaaladda

627
Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan ayaa maanta ka qeyb galay shir looga hadlayo wejiga labaad ee Barnaamij Wadaaga Caddaaladda (Joint Justice Program) iyadoo diradda la saari doono inta uu socdo shirka baahiyaha iyo arrimaha hortebinta u leh guud ahaan Garsoorka Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Shirka Waaxaa ka qeyb galaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, Xeer Ilaaliyeyaasha Guud ee Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Garsoorka gobalka Banaadir.