Kulankii ay Maanta yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka oo baaqday

518

Kulankii ay Maanta yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa baaqday, kaas oo Xildhibaannada Maanta uga doodi lahaayeen Ajandayaal dhowr ah.

Guddoonka ayaan shaacin sababaha baaqashada, hayeeshee wararka la helay ayaa sheegaya inay la xiriirto weerarkii lagu qaaday Guri ay degmada Cabdicasiis ka deganaayeen Ciidamada Macawiisleyda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Dhowr jeer ayaa Kulamada Golaha Shacbaka ay u baaqdeen kooram la’aan sidoo kalena markii uu dhacay weerarkii Hotelka Villa Reys loo baajiyay sababo la xiriira Amni darro maadaama uu weerarka saacado badan socday.

Maalmihi la soo dhaafay ayaa kulamada Baarlamaanka waxaa kajiray murano xoogan oo la xiriira sharciyada la horkeenayo Baarlamaanka oo Xildhibaannada qaar ay guddoonka ku eedeeyeen in, iyada oo kooramka uusan dhameyn sharciyada qaar la ansixiyo