Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha dowlada Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhumaal), Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland sareeye guuto Ismaaciil Saxaradiid Keysane iyo Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa kormeeray xeryaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa xoga Dalka ee ku yaal degmada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose.