Golaha Wasiirada oo meel mariyay Sharci Muhiim ah

550

Golaha Wasiiradda Xukuumadda  Soomaaliya  ayaa  xalay  yeeshay kulan aan caadi ahayn, Waxaana Shir gudoomiyay  Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada ayaa intii kulanka uu  u socday , meel mariyay xeerka la dagaalanka argigixisada.

Xeerkaan ayaa xukuumaddu sheegtay inuu door weyn ka qaadanayo  dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab iyo Sidii da;lka looga saari lahaa.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in xeerka la ansixiyay  uu ahmiyad gaar ah uu u  leeyahay  waqti xaadirkaan dagaalka dawladu ay kula jirto Alshabaab iyo Daacish .

Xeerka  ay  xalay Ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr sano ka hor la diyaariyay laguma guulaysan in uu meel maro.

Sidoo kale, golaha wasiiradda ayaa xalay  meel mariyay heshiis dhinaca socdaalka ah oo ay wasaaardda amnigu soo diyaarisay iyo heshiis kale oo ay Soomaaliya la saxiixatay Dawlada Uganda.