Soomaalida Kenya oo walaac ka muujiyay hadal kasoo yeeray Raila Odinga

477

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan meel fagaara ah tageerayaashiisa ugu shegay in uusan aqoonsanayn madaxwaynaha talada haya William Ruto iyo dowladdiisa.

Haddaba, Kenya oo ah dal ay ku noolyihiin Soomaali badan ayaa qaar ka mid ah waxa ay walaac ka mujiyeen hadalka Odinga,iyagoo ka cabsi qaba in hadalkiisu uu rabshado Kenya ka dhaliyo oo ay dhacaan qalalaase siyaasadeed.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool Magaalada Nairobi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilligaan aan lagu jirin waqti ol ile doorasho balse ay tahay mid laga sugayo dowladda cusub in ay la timaado is bedel weyn.