Booliska Gobolka Banaadir Oo Gacanta Ku soo Dhigay Koox Burcad ah

521

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaas oo laga helayo faahfaahino dheeraad ah.

Howlgalka oo ka dhacay xaafadda Kooka-Koola ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo ka kooban 5 qof, kuwaas oo dhac u geysanayay dadka shacabka ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkan oo sidoo kale lagu soo qabtay mooto Bajaaj ay wateen ragga burcadda ah ee la soo qabtay.

“Ciidanka Booliska Qeybta Guud gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa hadda qabtay koox burcad hubaysan ah, oo watay Moota Bajaaj isla Markaana falal dhac ah ka geysanayey xaafadaha Degmada Yaaqshiid,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu taliska uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho wada shaqeynta ay haatan la leeyihiin laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

“Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir waxa uu Shacabka caasimada uga Mahadcelinayaa sida ay markasta ula shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.