Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qabtay Burcad dhac geysaneysay

578

Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga Degmada Howlwaddaag ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka mid ah burcad hubaysan oo dhac u geysta dadka deggan xaafadaha kala duwan ee Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir

Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha fiidnimadii hore ee xalay, iyaga oo dadka ku dhacayay Middiyo iyo waxyaabo la mid ah.

Dhanka kale, ciidanka Saldhigga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen Deegaanka Ceelasha Biyaha.

War kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in markasta uu u taaganyahay sugidda Amniga caasimadda iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo ciribtiro kooxda burcadda hubeysan ah iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee dhibka ku haya Bulshada.