Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo magacaabay Guddi warbixin kasoo diyaariya Rabshadaha ka socda Laascaanood.

523

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa soo gudbiyay guddi si gaar ah usoo diyaariya warbixin la xiriirta Xaaladda Magaalada Laascanood & rabshadihii sababay dhimashada, dhaawaca & burburka hanti.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Guddigaan ka sugaya in uu Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka uu dib ugu soo celiyo natiijada kasoo baxda xog-baaristooda iyo xaqiiqada waxa ka dhacay Laascaanood.