Wasaaradda biyaha Jubbaland oo qabatay tababar looga hadlaayey tayeynta biyaha

506

26 Deceber 2022 Kismaayo: Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee Jubbaland  ayaa manta magaaladda Kismaayo Tababar  ugu qabatay Shaqaalaha wasaaradda Tamarta iyo biyaha,Kaas oo looga hadlaayey sara u qaadida tayadda biyaha iyo sidii ay bulshada u helli karaan biyo nadiifa oo cafimaadkooda la hubo.

Ahmed Cabdi Cabdullaahi oo ah Madaxa Faya-dhowrka wasaaradda tamarta iyo biyaha Jubbaland ayaa marka hore ka hadlay ahmiyada uu leeyahay tababarkaan,waxaana uu faahfaahiyey ahmiyada uu leeyahay tababarkaan.

Munaasabadan Tababarka loogu daah-furaayey Shaqaalaha  wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa  waxaa isagana ka hadlay Ibraahim Cabdi Budul oo ah madaxa xafiiska Fayadhowrka ee Hay’adda Alight ee magaalada Kismaayo.

Tababarkaan oo soconaya mudo shan maalin ah ayaa inta uu socdo waxaa xooga lagu saaraya habka ugu wanaagsan ee biyaha loo daaweeyo iyo sida xiligaan dunidu hormartay loogu isticmaalo biyaha Tiknoologyadda Casriga.

Macalin Ibraahim Barre oo bixinaayey tababarka ayaa sharxaya waxyaabaha xooga la saaryo shanta maalin ee tababarka socdo iyo baahida loo qabo in shaqaalaha wasaaradda ay ku dabaqaan shaqada dhinaca biyaha ee ay bulshada u hayaan.

Tababarada noocan ah ayaa ah kuwo muhiim ah oo wax-badan ku soo kordhinaya in shaqaalaha wasaaradda tamarta iyo biyaha Jubbaland ay awood u yeeshaan sidii loo hormarin-lahaa Tayada Biyaha iyo cafimaadkooda.