Wararkii ugu dambeeyay ee furitaanka Shirka Golaha wadatashiga

481

Waxaa Magaalada muqdisho ka socda diyaar garoowgii ugu dabeeyay ee ku aadan qabsoomida shirka Golaha wadatashiga Qaran ee ka kooban madaxda sare ee dalka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaas oo la filayo in Gelinka dambe ee Maanta in uu ka furmo Muqdisho.

Shalay ayay ballantu aheyd in uu Shirka furmo balse uu u baaqday sababo la xiriira qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada oo maqnaa, balse waxaa hadda Muqdisho ku sugan Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland., waxana la filayaa in Madaxweynaha Puntland uu soo gaaro Muqdisho.

 

Shirka Golaha wadatashiga ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin, Amniga, sida howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka & sidoo loo dardar gelin lahaa, qeybsiga kheyraadka dalka iyo Arrimaha Abaaraha.

Maalmaha uu shirka socdo ayaa Madaxda ay ka diidi doonaan arrimaha Amniga iyo shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Baydhabo, qeybsiga kheyraadka iyo abaraha, iyaga oo ugu dambeyn madaxda shirka kasoo saari doonaan Warmurtiyeed ay uga hadlayaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.