Dowladda oo sheegtay in la burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

486

Howlgalo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska Haramcad kaas oo lagu xaqiijinayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko laga sameeyay halkaas.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in lagu burburiyay xarumo qarsoodi ahaa oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaannada Ceel-maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo deegaano hoos taga Number 60, kuwaasi oo u ahaa maxkamad iyo xarumo ay dadka ay lacago uga qaadi jireen marka ay ugu yeertaan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii howlgalka uu socday ciidamadu ay xireen waddooyin Al-Shabaab ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka.

Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska Haramcad ayaa weli howlgalka ka wada wadada xiriirisa Muqdisho iyo Magaalada Marka, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay isku furayaan Muqdisho iyo Marko.