
Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa xabsiga dhigay Odayaal saaka Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado kuwaas oo ka soo laabtay deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta 21-aad General Xasan Jaamici oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri” Odayaasha waa la xiray Waxaana loo gudbiyay Dhuusamareeb si sharciga loo horgeeyo cidna lagama aqbalayo in Al-Shabaab ay la tacaamisho”
Guddoomiyaha Degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa yiri” Odayaasha maanta Hadlay waa dambiilayaal tallaabo ayaana laga qaadayaa xitaa wariyaashii Wareystay cadaaladda ayaa la hor keenaa”