DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada oo heshiis ku gaaray magaalada Baydhabo

565

Wasaaradda haweenka dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee kala ah Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir ayaa heshiis cusub ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ayey ku shaaciyeen illaa 8 qodob oo ay ku heshiiyeen, kuwaas oo kala ah:-

1. In gacan laga gaysto ansixinta iyo dhaqangelinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah.

2. Fulinta iyo dhaqangelinta qorshaha qaranka ee haweenka, nabada iyo amniga ee hirgelinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325.

3. Mashruuca dhaqaale abuurida ee haweenka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

4. Dhismaha iyo qalabeynta xafiisyo ay yeelanayaan wasaaradaha haweenka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

5. Ilaalinta mas’uuliyadda wasaaradaha, gaar ahaan mashaariicda ku saabsan haweenka, caruurta iyo dad naafada ah.

6. Fulinta qorshaha dowladda ee doorka haweenka nabadeynta amniga iyo xasilinta.

7. In dhammaanka kulamada Protection Cluster’s-ka ay hoggaamiyaan wasaaradaha haweenka.

8. Qabanqaabada shir-weyne haween oo ay diyaarinayso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Dowladda Federaalka, kaas oo la qaban doona bisha February 2023.