Wargeyska L’Equipe ayaa dhulka la jaray garsoorihii Finalkii Koobka aduunka ee xalay kusoo xidhmay dalka Qatar ee Syzmon Marciniak kaas oo go’aamo badan oo su’aal laga keenay qaatay.
Qoraaga L’Equipe ee Vincent Duluc oo ah midka xogtan qoray ayaan ka laba-labayn inuu miiska soo saaro in badan oo kamida go’aamadii garsooraha ree Poland.
Duluc ayaa duray rigoorihii lagu abaalmariyay Argentina isagoo la barbardhigay midkii xilli dambe laga diiday Marcus Thuram oo uu qabo inay labaduba jilicsanaayeen.
Sidoo kale waxa uu su’aal ka keenay sida uu kulanka kaadh la’aan ku dhammaystay Christian Romero oo qaladadaad badan galay iyo hab dhaqankii goolhaye Emiliano Martinez.
“Garsooraha Polish-ka ah Syzmon Marciniak, waa garsoore khibrad Champions League leh balse munaasibadaas kamuu soo dhalaalin” ayaa lagu bilaabay qoraalka L’Equipe
“Rigooraha lagu abaalmariyay Angel Di Maria waxa uu ahaa mid aad u jilicsan, aad ugama duwanayn midkii laga diiday Marcus Thuram balse sidoo kale garsooraha kale ee Polish-ka ah ee VAR masuulka ka ahaa ma doonayn inuu ninka ay isku wadanka yihiin dunida horteeda su’aal ku geliyo”.
“Sidoo ayuu Christian Romero oo masuul ka ahaa qaladaad badan oo xumi uu kulanka kaadh la’aan ku dhammaystay? Sidee ayuu Emiliano Martinez kubadda qaato oo meel fog kaga tuuro Tchouameni isla markaana uusan garsooruhu usoo dhex galin?”