
Millatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqaymood lala beegsaday Xubno katirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellada Dhexe.
War saxaafadeed kasoo baxay taliska millatariga Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan Diisambar, laguna kala dilay isugayn 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.
AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.
AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.