
Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar iyo dhigiisa dalka Ethiopia General Damelesh Garbamichel ayaa magalada Addis Ababa ku kala saxiixday iskaashi oo dhanka amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta booliiska.
Ciidanka booliska Federaalka ah ee Itoobiya kan Soomaaliya ayaa hadda ka dib wadaagi doonnaa xogaha kala duwan ee la xariira shaqada ciidanka.